Waxaa si heer sare ah loo qabtay xaflad lagu maamuusay ardayda ku guulaysatay dhamaystirka Qur’aanka Kariimka ah ee Dugsiga Hoose Dhexe Daarul Birri.

Xafladdan oo ahayd mid qiimo weyn leh ayaa lagu dhiirrigelinayey ardayda, laguna muujinayey dadaalkooda iyo guusha ay gaareen. Waxaa sidoo kale lagu guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino si kor loogu qaado hammigooda waxbarasho iyo diimeed.

Alle ha ka dhigo kuwo diinta anfaca, dalkana anfaca 🀲